Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista Hawada oo kormeeray Madaarka Caalamiga ah ee Berbera
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada, Mudane Fuad Ahmed Nuh, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Abdirashid Abdi Jama, ayaa safar shaqo ku tagay Gobolka Saaxil, iyaga oo kormeeray Madaarka Caalamiga ah ee Berbera.
Waftigu waxa ay warbixin ka dhageysteen maamulka madaarka, iyaga oo u kuurgalay habsami-u-socodka shaqo, adeegyada garoonka, iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka. Wasiirku waxa uu xusay in Madaarka Berbera uu muhiim u yahay isku xidhka Somaliland iyo caalamka, isla markaana Wasaaraddu ay ka go’an tahay kor u qaadista adeegyadiisa iyo sidii madaarku duulimaadyo rasmi ah u samayn lahaa.
#Sawwiro






#Muuqaal