Fadhigii 12-aad ee Shirka Golaha Wasiirada JSL

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa shirkii maanta ee Golaha Wasiirada JSL oo uu shir-guddoominayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu warbixin ka siiyay qorshayaasha Wasaaradda ee lagu fududaynayo Diyaaradaha Caalamiga ah ee imanaya Somaliland, iyo shuruucda socdaalka ee la waafajinayo Rakaabka la socda diyaaradahaasi. Dhammaan diyaaradaha caalamiga ah ee imanaya Madaaradda dalka waxa lala wadaagay shuruucda socdaalka JSL ee looga baahan yahay Rakaabka Ajnabiga ah, taasi oo qayb ka ah qorshaha kobcinta dhaqaalaha ee Xukuumadda cusub.

Muuqaalka Fadhigii 12-aad ee Shirka Golaha Wasiirada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *