Waxa noo qabsoomay kulanka Shaqaale-waynaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, kulankaasi oo aan shaqaalaha kula wadaagay Himilooyinka iyo Qorshayaasha Wasaaradda ee 5ta sanno ee soo socda 2025-2029.
Muddadii koobnayd ee aan joogay Hoggaanka Wasaaradda aniga oo fulinaya Aragtida iyo Himilada Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa noo suurto-galay qoddobada hoos ku sheegan oo la xidhiidha tayaynta shaqada iyo shaqaalaha;
1. In dib u dhis, qurxin iyo qalabayn lagu sameeyo Xarunta Wasaaradda iyo qaybo ka mid ah Madaarka Hargeysa.
2. In la dhammaystiro Strategy-yada Wasaaradda ee 2025-2029.
3. Hagaajinta Nidaamka bixinta Xuquuqaha Shaqaalaha Wasaaradda oo la joogteeyay in shaqaaluhu helaan Mushaharkooda/gunnadooda bill walba.
4. In la hagaajiyay xuquuqaha Shaqaalaha ka baxsan Hargeysa ee ka hawl-gala Gobollada Awdal, Gabiley, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.
Ugu dambayntii aniga oo ku hadlaya Afka Hoggaanka Wasaaradda waxa aan u ballanqaaday shaqaale-waynaha Wasaaradda in la sii wadi doono wanaajinta duruufaha ay ku shaqeeyaan shaqaaluhu hadba intii suurto-gal ah, iyagana laga filayo inay fuliyaan Himilooyinka iyo Qorshayaasha Wasaaradda iyo hawl-qabadyada Xilliyaysan (KPIs)
Sawirro📷
























Muuqaal📺
Follow Social Media