Fadhigii 13-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland

Fadhigii maanta ee Golaha Wasiiradda JSL oo uu shir-guddoominayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaan ku soo bandhigay Himilada iyo Qorshaha 5ta sanno 2025-2029 ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo ka kooban shan tiir oo kala ah;

1. Aviation Infrastructure Modernization and Sustainability

2. Safety, Security, Airspace Management, and Regulatory Excellence

3. Regional and International Connectivity and Collaboration

4. Institutional Development and Workforce Capacity Building

5. Aviation’s Economic Impact and Alignment with National Development Goals.

Waxa kale oo aan Golaha u soo bandhigay Waxqabadka Wasaaradda ee 100-ka Maalmood ee ugu horreeya muddo-xilleedka Xukuumadda.

Ugu dambayntii waxa aan u gudbiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda JSL qabyo-qoraalka Nidaamka Hab-maamuuska Madaxda ee Madaaradda wadanka (Dignitaries, Hight Rank Officials and Diplomats Airport Protocol Directive), kaasi oo marka uu dhaqan-galo noqon doona ka loo raaco hab-maamuusyada Madaxda wadanka iyo Diblomaasiyiintu marka ay ka dhoofayaan Madaaradda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *