Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa soo gaadhay Gobolka Saaxil.
Madaxwaynuhu inta uu ku sugan yahay Gobolka waxa uu xadhiga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo la dhammaystiray, mashaariic cusub oo la dhagax-dhigi doono iyo kormeerka kaabayaasha Dhaqaalaha ee Gobolka.
Waxaan uga mahadnaqayaa Shacbi-waynaha Gobolka Saaxil oo aan u kala hadhin soo dhawaynta Madaxwaynaha iyo waftigiisa.