Maanta waxa noo qabsoomay shirkii billaha ahaa ee Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim ah:
1. Sidii loo dajin lahaa Istaraatiijiyadda Balaadhinta Dhoofinta (Export Diversification Strategy): Waxa laga wadahadlay dejinta istaraatiijiyad qaran oo lagu kordhinayo noocyada badeecadaha la dhoofiyo si loo kordhiyo ilaha aynu ka helno lacagta adag.
2. Siyaasadda Beddelka Badeecadaha Dibadda (Import Substitution Policy): Waxa la falanqeeyay sidii loo dajin lahaa qorshe lagu yareynayo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda iyada oo la kobcinayo wax-soo-saarka gudaha.

