Caawa waxa aan ka qayb-galay munaasibad lagu soo bandhigay Buug laga qoray AHUN Mujaahid Ibraahin Koodbuur, intii munaasibadu socotay waxa laga sheekeeyay sooyaalkiisii halgan iyo naf-hurkii uu sameeyay. Waxa xaqiiqo ah inaynu maanta haysano waxyaabo badan oo ka mid ah himilooyinkii Mujaahidka oo ay ugu muhiimsanaayeen madaxbannaani, dowladnimo iyo xorriyad nololeed.
Waxa nasiib-darro ah in Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland aanay marnaba hirgalinin Sanduuq laga taageero Mujaahidiintii soo halgamay iyo ubadkii ay ka tageen, inaga oo ka warqabna inay jiraan qaar badan oo la nool duruufo caafimaad iyo kuwo u baahan in laga kaalmeeyo maaraynta nolosha. Waxa Ilaahay uga rajaynayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, intii inoo geeriyootayna waxaan leeyahay iilkii jannada caanaha ku dhama.
Ugu dambayntii aniga oo ku hadlayay Afka Xukuumadda waxa aanu qaadanay 2,000 oo Buug oo aanu gaadhsiin doono goobaha waxbarashada iyo library-yada buugaagta lagu akhristo.