Waxa maanta noo qabsoomay Kulanka Guddida Xadaynta Madaarka Caasimadda. Kulankaasi oo diiradda lagu saaray xadaynta dhulka Madaarka oo ku saleysan Qorshaha Dhismaha iyo Casriyaynta Madaarka (Airport Modernization Strategy) ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada.
Guddidu waxay si qoto dheer uga doodeen dhammaystirka qorshaha xalinta dhulka beerihii galay xadka Madaarka ee Jihada Koonfureed.
Shirka waxaa ka soo qayb-galay Wasiiradda Wasaaraddaha Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada, Maayarka Caasimadda Hargeysa, iyo saraakiil ka socday Waaxyaha u xil-saaran qorshaynta dhulka ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa.