Madaxweynaha JSL oo Kormeeray Dhismaha Socda ee Madaarka Boorama”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa kormeeray dhismaha socda ee Madaarka Boorama.

Waxaan warbixin ka siiyay Madaxweynaha shaqada dhismaha Madaarka ee wajiga koowaad oo ka kooban: Dhabaha Diyaaradaha (Runway), Goobta kala wareegga Diyaaradaha (Taxiway), iyo Qaybta Dhigista Diyaaradaha (Apron), iyada oo wajiga labaadna la bilaabi doono dhismaha Terminal-ka Rakaabka iyo Air Navigation Tower.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyay dedaalka Wasaaradda, isagoo bulshada reer Boorama ugu baaqay inay banneeyaan dhulka Madaarka ee lagu soo durkay, si loo sugo ammaanka iyo hawlgalka Madaarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *