Executive Strategic Retreat: Wasaaradda Duulista Hawada oo Daah-furtay Kulan Lagu Dardargelinayo Qorshaha Horumarinta 2025–2029″

Waxa maanta noo bilaabmay Kulan-hawleedka Istaraatiijiyada ee Madaxda Wasaaradda (Executive Strategic Retreat), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah. Kulankan waxaa ka soo qayb-galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime-Waaxeedyada Waaxyaha, Madaxda Xafiisyada iyo Lataliyeyaasha Farsamo ee Wasaaradda.
Inta uu socdo kulan-hawleedkan, waxaa si qoto dheer loo falanqeyn doonaa Qorshe-hawleedyada lagu hirgalinayo Qorshaha Horumarinta Wasaaradda (Strategic Plan Implementation) ee shanta sano ee soo socota 2025 – 2029 ee Waaxaha iyo Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda, daadajinta iyo jaan-goynta miqiyaasyada la doonayo in la gaadho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *