Waxa aan maanta ka qayb-galay khudbad-sannadeedka Dastuuriga ah ee Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, uu ka jeediyay fadhiga wadajirka ah ee Golaha Baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Xildhibaanada labada Gole qorshayaasha siyaasadeed iyo dhaqaale ee xukuumaddiisa, kuwaas oo diiradda saaraya:
1. Xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka dowladaha saaxiibka ah.
2. Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo kala-duwista ilaha dhaqaale.
3. Wada-jirka umadda, nabadeynta deegaanada colaadu saameysay, iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah.
4. Casriyeynta ciidamada qalabka sida iyo abuurista ciidan kayd ah.
5. Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, korontada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada, madaarada iyo dekedaha.
6. Dowlad-wanaaga, dib-u-habaynta garsoorka, iyo tayeynta adeegyada bulshada.