Waxa aan caawa kulan la qaatay Dhallinyarada iyo Aqoon-yahanka Gobolka Awdal, kulankaasi waxa aan warbixin ka siiyay xubnaha Haldoorka ah ee ka soo qayb-galay qorshaha Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Himilada Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee ku aadan Dhismaha Madaarka Boorame ee uu maanta dhagax-dhigay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorka uu madaarku ka qaadan doono koboca dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Xubnaha aqoon-yahanka ee kulanka ka soo qayb-galay ay dhinacooda sheegay inay Xukuumadda uga mahad-naqayaan Dhismaha iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Gobolka Awdal, isla markaana ay gacan ka gaysan doonaan sidii Madaarka Boorame u dhismi lahaa.
Kulanka waxa igu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaaradda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee waftiga qaybta ka ahaa.