Caawa waxa aan kulan la qaatay Kooxda Kubadda Cagta ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo ka mid ah oo kooxaha waawayn ee kubada Cagta.
Waxa aanu wadaagnay Maamulka Kooxda, Macalimiinta iyo Ciyaartoygaba sidii kooxda loo sii horumarin lahaa, una heli lahaayeen dhammaan tas-hiilaadka ay u baahan yihiin si ay kobciyaan xirfadooda kubadeed iyo awoodooda ciyaareed.
Muddadii aan joogay Wasaaradda waxa suurto-gashay in kooxda loo soo iibiyo Ciyaar-yahano cusub, isla markaana la hagaajiyo dhaqaalaha Kooxda, sidoo kale waxa aanu isla qaadanay caawa dhammaan qoddobadii Kooxdu soo bandhigtay inay baahi u qabaan oo ay Wasaaraddu kafaalo qaaday si dhakhso ahna ay u heli doonaan.
MUUQAAL