🚩BERBERA
Waxa aan kulan la qaatay caawa Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Gobolka Saaxil, kulankaasi oo aan iskaga xog-waraysanay shaqada Wasaaradda ee Gobolka iyo sidii loo dardargelin lahaa.
Intii kulan ku noo socday shaqaaluhu waxay ila wadaageen cabashooyin ku saabsanaa Xarunta Wasaaradda ee Gobolka, qalabaynta Xafiisyada iyo tababarada Shaqaalaha Gobolka oo muddo dheer aan helin wax tababaro ah, waxaanan u ballanqaaday shaqaalaha in Xarunta Wasaaradda ee Gobolka la dhammaystiri doono muddo Bill gudaheed ah, lana qalabayn doono, sidoo kale shaqaaluhu heli doonaan tababaro ku saabsan xirfadahooda shaqo sannadkan 2025.













