Safarkii Jabuuti: Guul, Gobannimo iyo Iskaashi Walaaltinimo

Waxa maanta noo soo dhammaaday safar qaatay 3 maalmood oo aanu ku joognay Jamhuuriyadda Jabuuti, safarkaasi oo uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ahaa mid muhiimad wayn u lahaa walaalnimada iyo iskaashiga labada Jamhuuriyadood, waxaanu noogu soo dhammaaday Guul iyo Gobanimo.

Waxa aan u mahadnaqayaa Jaaliyadda Reer Somaliland ee Jabuuti, Madaxwaynaha iyo Xukuumadda Jabuuti oo aanu uga mahad-naqayno soo dhawayntii iyo kulamadii wax ku oolka ahaa ee ay la yeesheen Madaxwaynaha iyo waftigiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *