Shir Wadajir ah oo Lagu Dardargelinayo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka: Wasaaradda Duulista Hawadda oo Soo Bandhigtay Qorshaheeda 2025–2029

Hargeisa -28 April 2025

Waxa maanta noo qabsoomay Shir ay wadaagayeen Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiiradda iyo Guddida Farsamada oo diirada lagu saarayay kobcinta dhaqaalaha dalka. Shirkaas, waxa aan la wadaagay qorshaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, taas oo qayb ka ah tiirarka muhiimka ah ee Istaraatiijiyadda Wasaaradda ee 2025-2029.

Si loo fuliyo qorshayaasha Horumarinta ee Wasaaradda, waxa la dhisay Waaxda Dhaqaalaha Duulimaadyada (Aviation Economics), taas oo si gaar ah ugu xilsaaran fulinta qorshayaasha Kobcinta dhaqaalaha sida:

1. Kobcinta ganacsiga hawada mara (Cargo & Logistics), si loo taageero dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka.

2. ⁠Fududeynta safarrada dadka (Passenger travel ease), si kor loogu qaado isku xidhka dadka iyo adeegyada duulimaadyada.

3. ⁠Soo kordhinta duulimaadyada tooska ah ee wadamada aynu la leenahay ganacsiga iyo isu-socodka, iyadoo route-kii ugu horreeyay ee duulimaad toos ah oo la soo kordhiyay uu shaqada bilaabi doono bisha May 2025.

Ugu dambayntii ku tala-galka Wasaaradda Duulista ee Qorshaha 5-ta sanno waa in ay contribute-gareyso koboc dhaqaale (GDP growth) oo dhan 3%, qorshahaasi oo qayb ka noqon doona horumarka dhaqaalaha dalka iyo isku xidhka ganacsiga gudaha iyo ka caalamiga ah.

#WadaJirIyoWaxqabad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *