Waxa aan maanta safar shaqo ku tagnay Degmooyinka Allaybadey iyo Wajaale ee Gobolka Gabiley.
Lugtii koowaad ee safarka waxa aanu ka bilawnay Allaybaday anaga oo ugu horrayn kulan la qaadanay Maamulka Degmada, Guddida Horumarinta Degmada, Odayaasha, Waxgaradka iyo Dhallinyarada Degmada oo warbixin naga siiyay Xaallada guud ee Degmada iyo Baahiyaha Adeegyada Aassaasiga ah iyo Kaabayaasha Horumarka.
Baahiyaha Maamulka Degmada iyo Dadwaynaha Deegaanku iska daba mareen waxa ugu muhiimsanaa adeegyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dhammaystirka Waddada Arabsiyo – Allaybaday, waxaanan kormeer ku marnay Xarunta Caafimaadka ee Degmada, Waddooyinka Magaalada gudaheeda iyo Riiga Biyaha ee Dameero-boob.
Intii uu socday Kulanka Waftiga iyo Degmadu waxa halkaasi lagaga dhawaaqay Mashaariic Horumarineed oo Xukuumaddu ka fulin doonto Degmada Allaybaday kuwaasi oo kala ah;
1. Ballay-biyood laga qodi doono Deegaanka Xidhinta.
2. Biyaha Riiga Dameero-boob la soo gaadhsiin doono magaalada.
3. Ballaadhinta Saldhiga Booliiska ee Degmada.
4. Cagaf Degmada ka caawin doonta Beeraha iyo Gaadhi lagu xoojin doono Xafiiska Beeraha ee Degmada.
5. Dayactir lagu samayn doono Ambulance-ka Degmada.
Sidoo kale xubnaha Wasiiraddu waxa ay ballanqaadeen in baahiyaha kale ee la xusayna ay qorshayaasha mustaqbalka ku darsan doonaan.
Waxa aanu lugtii labaad ee safarka u gudubnay Degmada Wajaale oo aanu iyadana kulan la qaadanay Maamulka Degmada iyo Guddida Horumarinta Magaalada oo nooga xogwaramay baahiyaha Degmada oo ay ugu muhiimsanaayeen Xoojinta Maamulka Degmada oo la gaadhsiiyo heer u qalma magaalo-ganacsiyeed baaxadaasi leh, Adeegyada Biyaha, Caafimaadka iyo Baahida dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Degmada.
Ugu dambayntii waxa aanu kormeer ku tagnay Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Wajaale oo Xukuumaddu dhawaan ka hirgalin doonto Dhismaha Garoon Casri ah oo Wajaale yeelato.
Waftiga Xukuumadda ayaa ka koobnaa Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista, Horumarinta Caafimaadka, Horumarinta Biyaha, Horumarinta Beeraha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiir-ku-xigeenka Deegaanka iyo Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Gabiley.
