Waxa aanu maanta safar ugu baxnay Djibouti, muddada aanu joogno Jabuuti waxa aanu ka qayb-gali doonaa Maalinta Xoriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27-ka June. Waftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay Dowladda Djibouti, waxaanu waftigu ka kooban yahay Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, Wasiirro, Xildhibaano, Hoggaanka Xisbiga Wadani, Safiirka cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Djibouti, Ganacsato iyo masuuliyiin kale.
Offcanvas menu
Tuesday, August 5, 2025