Maanta oo ahayd 10-ka Bisha May waxa loo Asteeyay Maalinta Qaran ee Iskaalmaynta Shacabka Somaliland, waxaana ku dhawaaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Munaasibada maalinta Iskaalmaynta awgeed waxa aan booqday Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee magaalada Hargeysa oo ahaa Dugsigii aan wax ku soo bartay.
Intii aan booqashada ku jirey waxa aan kulan la qaatay maamulka iyo macallimiinta iskuulka, anigoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan baahiyaha degdegga ah ee iskuulka. Waxaanan ugu yaboohay waxyaabihii ugu mudnaa baahiyahaas oo kala ahaa;
1. Dayactirka qaybo ka mid ah dhismaha iskuulka.
2. Qalabaynta xafiiska maamulka.
3. Qalabayn Hal fasal.
4. Rakibidda CCTV Security Cameras.