Soo Dhawaynta Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland iyo Guulaha Safarkiisa Gobollada Bari

Waxa aanu maanta ku soo dhawaynay Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Ambassador Mohamed Ali Aw-Abdi iyo Waftigii uu hoggaaminayay ee hawlaha shaqo ugu maqnaa Gobollada Bari.

Muddadii Madaxwayne-ku-xigeenku ku maqnaa safarkaasi waxa uu ku guulaystay Dhamaystirka Nabadaynta Deegaanka Ceel Afwayn iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah oo ahayd caqabad amni oo halis ku ah Dowladnimadeena iyo Amniga Qaranka.

#WadaJirIyoWaxqabad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *