Waxa maanta noo qabsoomay kulan aanu wada yeelanay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, kaas oo aanu kaga wada hadalnay sidii loo hirgelin lahaa go’aankii Wasaaradda Macdanta ee ahaa in Dahabka iyo Macdanta laga dhoofin karo kaliya Madaarka Hargeysa.
Go’aankaasi oo ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo sharcinimada dhoofinta Dahabka iyo Macdanaha, iyo in la sugo bixinta takaaliifta iyo cashuuraha ku waajibay.
Ugu dambayntii, waxa aanu kormeer ku soo marnay Madaarka Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan qaybaha kantaroolka iyo hubinta badeecadaha iyo rakaabka dhoofaya.