Kalfadhigii 30aad ee Golaha Wasiiradda JSL oo uu Guddoominayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo qabsoomay maanta ayaan ku soo bandhigay Waxqabadka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee 6dii Billood ee ugu horreeyay sannadka 2025, waxaana ugu muhiimsanaa waxyaabihii noo qabsoomay muddadaasi kooban:
1. Dib-u-habaynta Qaab-dhismeedka Maamul, Shuruucda iyo Siyaasaddaha Wasaaradda, iyada oo la soo kordhiyay 4 Waaxood oo muhiim u ah hirgalinta Qorshaha Horumarinta Wasaaradda.
2. Diyaarinta Hagayaasha Duulimaadyada (Aviation Manuals) oo la waafajiyay Miqiyaasyada Caalamiga ah (ICAO Standardization Annexes) oo ka kooban 15 Manuals/SOPs.
3. Diyaarinta Regulation-ka Ilaalinta Macmiilka (Consumer Protection Regulation) kaasi oo lagu ilaalin doono xuquuqaha Rakaabku ku leeyahay Adeeg-bixiyaha.
4. Dhismaha Terminal-ka 2aad ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la furi doono.
5. Tababarada Shaqaalaha Wasaaradda iyo Madaaradda oo la siiyay 8 Tababar oo kala duwan.
6. Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Xarunta Xafiisyada Wasaaradda iyo Madaaradda.
7. Kor u qaadista Gaadiidka Madaarka Hargeysa oo lagu xoojiyay 4 gaadhi oo cusub oo lagu qaadi doono Shaqaalaha Madaarka, iyada oo hore Madaarku u isticmaali jiray Gaadiid kiro ah.
8. Kor u qaadista gunnooyinka shaqaalaha Madaaradda/Wasaaradda iyo wanaajinta duruufaha shaqada ee shaqaaluhu ku shaqeeyaan.
9. Dhammaystirka Naqshada iyo Qorshaha Dib-u-habaynta iyo Dhismaha Madaarka Caasimadda.
10. Waxa la dhammaystiray System Rakaabka u suurto-galinaya inay feedback ka bixiyaan adeegyada Madaarka wakhtiga ay ka dhoofayaan/ ka soo dagayaan (Feedback Application).
11. Diyaarinta Bar-kulanka Xirfadlayaasha Duulimaadyada iyo Madaaradda (Aviation and Airports Expertise Forum) oo noqon doona Gole kulmiya xirfadlayaasha Reer Somaliland ee aqoonta u leh Xirfadaha kala duwan ee Aviation-ka.
Ugu dambayntii waxa aanu la wadaagnay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Maamulka Hawada iyo Duulimaadyada ee ICAO Mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Hawada, iyada aanu socodsiinay mawqifkaasi Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Dalada ay ku midaysan yihiin Gaadiidka Cirka iyo Duulimaadyadu ee IATA iyo Dowladdaha Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Emirate-ka, Ethiopia iyo Taiwan, iyada aynu dawlad ahaan u cadaynay inaynu awood buuxda u leenahay Maamulka Hawadeeda una madaxbannaan nahay.