Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan-galisay Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival Policy), taasi oo u sahlaysa dhammaan dadka u safraya Somaliland inay dal-ku-galka ka qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo Madaaradda kale ee Somaliland.
Siyaasaddan waxay Xukuumaddu uga dan leedahay fududaynta Safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha Bina’aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Waxa kale oo aanu cadaynaynaa inaan Somaliland lagu soo geli karin Visa ama Oggolaansho Dal-ku-gal oo ka soo baxay meel ka baxsan Hay’addaha Socdaalka ee JSL.
Ugu dambayntii Dhammaan Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland waxa la faray inay siyaasaddan la wadaagaan dhamaan xafiisyadooda (Stations) iyo Rakaabka soo raacaya.
